Inkastoo nidaamka sharci ee qoys habbeyntoo ay socotay dhawrkii sanno ee la soo dhaafay, dad badan ayay weli ku adagtahay isticmaalka nidaamka si ay ugu gaaraan xallin dhibaatoouinka qoyskooda. Guddiga Sharci ee Ontario(GSO) waxay sameeyeen soo jeedin tallooyin oo lagu horumarinaayo “Ruqsaddaha Tooska ah ee nidaamka, marka ay dadka bilaabeen sidii ay maareyn lahaayeen isku dhacyadda qoyskooda. Qorista warbixinta ugu dambeysa, Kordhinta Fursadaha Caddaaladda Qoyska ee Kaamil ahaanshah Ruqsadaha Tooska iyo guud aahaantooda, GSO waxay qabeen faa’iidadda la tashiyadda dadka ee isticmaalay nidaamka iyo dadka ka shaqeeya, kaalmeynta mashruuca kooxda tallo bixinta, naqdinta nuqulladda talloyin eek ala duwan iyo warbixinta ku meel gaarka warbixinno kale oo badan ee ururo kale iyo caalimiin kuwaasoo lagala munaaqashooday  nidaamka sharci qoys iyo ka sameynta ra’iyo dib u habenta.

Waxaan aqoonsanay tixgelinnada soo socda qaasatan nidaamka:

  • Xaddigga aadka u badan ee macluumaad iyo adkaanshaha si loo fahmo;
  • Lahaansho darrida hawlgallada shari aan la awoodin;
  • In xisaabta lagu daro baahidda kala duwanaansha dadweynaha Ontario; iyo
  • Xiriirka ka dhaxeeya dhibaatooyinka sharci ee qoys iyo dhibaatooyinka kale ee qoys.

Waxaan qiimeynay nidaamka hadda jiro iyo soo jiidinadda lidka ku ah heerarkeena, kaasoon aaminsannahay inuu muhiim u yahay ruqsada tooska nidaamka sharci qoys u baahan yahay inuu fuliyo:

  • Sharuudaha fursad u lahaanshaha macluumaad ee diyaarka u ah dadka maalin kasta noloshooda;
  • Jiritaanka xarun mid ah ee macluumaadka leynka-furan;
  • Sharuudaha daabicida macluumaadka ee diyaarka u ah dadka kuwaasoon fursad u laheyn barta-gelista;
  • Kaalmeynta dadka sabab uun laga yaabo inay ku adag tahay fursaddaha, akhrinta fahamka ama macluumaad codsiga;
  • Caawinidda dadka go’aansiga qaabka ugu wanaagsan ee xallinta dhibaatooyinka qoysaskooda, xittaa marka la raaciyo dhibaatooyin xaqiiqi ah waa dhibaatooyinka sharci;
  • Qorsheynta nidaamka si uu isugu xirmo sahlanaan dhinac illaa iyo dhinaca kale, hawlgallo aan isku noqnoqoneynin iyo baahidda in dadka loo sheego sheekadooda looguna celceliyo;
  • Xisaabtanna lagu daro baahidda bulshooyin iyo dabciyo kala duwan;
  • La tashiga bulshooyinka ay saameyta ku leedahay qorsheynta ruqsadaha tooska ah;
  • Sharuudda hawlgallaga la awoodo adigoon ku guul dareysan tayadda hawlaha;
  • Daryeelka dhibaatiiyinka sharci ee qoys iyo dhibaatooyinka la xiriira qaab arxan daro; iyo  
  • Abuurista tusmo ku haboon muddo-dheer.

Inkastoo ay jiraa illooyin badan oo macluumaad ee waxtar u leh kooxo qaas ah, dhaqan bulsheedka ama haweenka la kulmay gacan ka hadalka guriga, guud ahaanba caddada macluumaad eek u saabsan nidaamka sharci ee qoys waa xad dhaaf wayna ku kordhaayaan gaar ahaan leynka-furan. Waxaa jira macluumaad yaroo daabacan iyo shaqsi. Barta-gelista waxay noqon kartaa meel waxtar weyn u leh ka helidda macluumaadka, laakiin dadka aanan fursad u laheyn kumbiyuutrada ama aan laheyn xirfad kumbiyuutar, nolosha baadiyaha ama aanay luqaddisa koowaad aheyn Ingiriis ama Faransiis, iyo dadka xirfaddooda wax aqri qorista ay hooseeyso ama dhibaatooyin isku xir, lama caawini karo. Dhibaatooyinkssi oo kale waxay dhacaan hawlgalladda macluumaadka ku saleysan taleefoonka.

Waxaan soo jeedineynaa in macluumaadka lagu bixiyo xarunta dhexe tixgelinna waa la siin doonaa dhibaatooyinka kooxaga qaar ee dadka lahaan karaan fursad u lahaanshaha macluumaad kala soo bixidda barta-gelista ujeedadoo ah go’aansiga marka uu qofka u baahan yahay caawinaad uu ku fahmo macluumaadka ku saabsan nidaamka sharci ee qoyska.

Macluumaadka xittaa waxaa loo siinayaa shaqsi ee Xarunta Macluumaadka Sharci ee Qoys (XMSQ) loo marinaayana  Mashruuca Macluumaadka Waajibka.  XMSQ badanaaba waxay degen yihiin meelaha maxkamadaha iyo MIP waxaa lagu bixiyaa qolka maxkamadda iyadoo loo marinaayo nidaamka maxkamadda. Waxaan tixgelineynaa in dadka u baahan macluumaad ka hor inta aysan ka fekerin tegista maxkamadda isla dadkaasi uma baahna fursad u lahaansho macluumaadka goobaha maxkamadda. Haddaba waxaan ku soo gabagabeyneynaa macluumaadka waxaa laga heli karaa baraha aan aheyn maxkamadda taasoona ka caawineyso fahamka ay bixineyso eel ala kaashanaayo “dhaxdhaxaadiyayaal la aaminsan yahay”( sida shaqaalaha xaruumaha bulshadda) kuwaasoo leh tababarro ku haboon fursaddna u leh marka loo baahan yahay.

Daraasaddo badan ayay waxay cadeynayaan in wakiilladda sharci ee qaaska ah ay awoodaan oo keliya dadka uu daqligooda sareeyo kaalmo shrciyeedkana waxaa uu diyaar u yahay oo keliya dadka daqligooda hooseeyo. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dad badan oo u baahan caawinaad sharci oo uusan awoodin. Waxaa muhiim ah in wakiil sharci oo buuxa la siiyo dadka aan awoodin inay wakiil isu noqdaan, xittaa kaalmo aan toos aheyn. Haddii kale,  Waxaan  soo jeedineynaa in tixgelin buuxda haddii shrci yaqaan la siin karo qaar ka mid ah shaqaalaha qoyska ay fulinkaraan, taasina waxaa fursad u leh ardayda sharciga inay siiyaan kaalmo la abuuray iyo dhexdhexaadiyayaal la aaminsanyahay oo loo tababaray inay siiyaan noocyo ka mid ah kaalmadda.

Waxa ugu weyn ee tallo soo jeedinteena la xiriirta horumarinta  anshaxinta-guud, ujeedooyinka-guud ama xaruumaha guud ahaaneed ama hawlaha isku jira. Badanaa dhibaatooyinka sharci ee qoyska way fidaan, noqdaan wax aad u xun ama si qaas ah u adag xallintooda maxaa yeelay jiritaanka dhibaatooyin noocyo kale ah,  sida culeyska doodad sare, iska hor imaadka caafimaadka miyirka, tusaale ahaan. Waxaan soo jeedinay xruumo bixinaaya sharci iyo hawlo kae qofkastoo haysata dhibaatooyin sharci qoys, ama horumarinta shaqada-isku jirta taasoo la xiriirta kaalmada sharci ee qoyska ee noocyadda kale, taasina waxay ahaaneysaa si toos ah qoysaska oo ay aadka u saameysay sharci iyo illo kale ee xallimta dhibaataddooda.

Waxaan ku tallinay in

  • Qeybah ugu muhiimsan ee qoyska la yimaadaan qorshe abuuraaya xaruumahaa guud ahaaneyd iyo shaqooyinkaan isku jira, inay ku xisaabtamaan heerarka aan ku cadeynay warbixinteena;
  • Qorshaha wuxuu aqoonsanaya in ay tani tahay mid isa soo tareysa waqti dheeri ah laakiin in ujeeddada ee gaaritaankooda la ogaaday;
  • Qorshaha waxaa raacsan qaabab qiimeyn ee xarunta iyo shaqo isku jirka; iyo 
  • Dowladda Ontario oo sahleysa abuurista labo mashaariic oo tijaabo ah laba goobood  ee gobolka, iyagoo isticmaalaaya heerarkooda aan ogaanay ee saameynta  nidaamka ruqsada tooska ah.